SOMALILAND oo aqoonsi ka heshay…

London (Caasimada Online) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay madaxtooyada magaalada Sheffield ee dalka ee dalka Britain iyagoona ku faraxsan aqoonsiga Somaliland la siiyay.

Golaha baarlamaanka magaaladan oo ah mid yer ayaa aqoonsaday maamulka Somaliland ee ka dhisan waqooyiga Soomaaliya, kaddib markii la arkay isku filnaansho buuxda, sida goluhu sheegay.

Somaliland ayaa Soomaaliya ka go’day sannadkii 1991-dii, iyadoona hadda dooneysa aqoonsi caalami ah balse weli aan helin.

Wasiirka arrimaha dibedda Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis wuxuu Somaliland ku tilmaamay goob nabadeed isagoona leh waan isku filanahay oo waxaa heesanaa dowlad iyo kala dambeen halka Soomaaliya ay gubaneyso isagoona intaas ku daray in Somaliland ay heesato kheyraad ku filan oo ay uga maaranto Soomaaliya.

Dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya waxa ay lee yihiin Somailand waa ay ku adkaan doontaa in ay aqoonsi caalami ah ka hesho caalamka, sababtuna waxa weeye waxaa ku dhaggan Soomaaliya oo leh waa in midnimo laga shaqeeyo.

Sarkaal u hadlay magaalada Sheffield ayaa sheegay in Somaliland ay heesato deked weyn oo laga dhoofiyo xoolaha nool kuwaasoo dibedda loo iib geeyo.

Dekedda Bebera waa mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland ku tiirsan tahay, kumanaan xoolo nool ayaa laga dhoofiyaa kuwaasoo qaar badan laga keeno Soomaaliya.

Olaha Somaliland ay wado ee ah in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale waa mid adkaan doonta caalamkana in ay u aqoonsadaan si la mid ah Sheffield ma ahan mid dhow.

Kumannaan kun oo qof oo asal ahana kasoo jeeda Somaliland ayaa ku nool magaaladan ku taalla dhinaca waqooyi ee England.

Si kastaba, Somaliland ayaa leesin siiyay shirkaddo ajaaniib ah kuwaasoo loo oggolaaday in baaraan shidaal la sheegay in ay ku jiraan deegannada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com