QM oo soo saartay warbixin ka dhana Maamulka Axmed Madoobe & arrintii..

Naiobi (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha (OHCHR), ayaa soo saaray warbixin ka dhan ah oo walaacna ka muujisay maamulka Axmed Madoobe iyo habka garsoorkiisa.

OHCHR< ayaa walaac ka muujiyay hannaanka garsoorka ee ‘deg-degga ku dhisan’ ee magaalada Kismaayo, ka gadaal markii sagaal maalin gudahood lagu qisaasay nin lagu eedeeyay dilka oday-dhaqameed.

Rupert Colville oo ah afhayeenka xafiiska ayaa sheegay in ninka eedeysanaha ahaa lagu helay dambe, balse aanay caddeyn cidda xaqiijisay, iyadoo sida uu xusay ay suuragal tahay in aan maxkamad la soo taagin.

Afhayeenka wuxuu sheegay in marka loo eego sharciga caalami ah aan xukun dil ah la fulin Karin ilaa hannaanka ugu habboon ee garsoor loo maro.

Colville ayaa intaas ku daray in xukunka uu ka dhigan yahay in tuhmanaha aanu helin dammaanad maxkamadeyn caddaalad ah oo ay ku jirto xaqa uu u lahaa cid u doodda iyo inuu racfaan ka qaato xukunka.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu eedeeyay inuu 24-kii March dilay Ugaas Xuseen Hafoow Axmed oo ahaa oday-dhaqameed caan ka ah magaalada Kismaayo, Xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in 9 maalin kaddib (shalay) la qisaasay eedeysanaha.

OHCHR waxay sheegtay in 34 qof dil lagu fuliyay Soomaaliya tan iyo bishii January 2013.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com