R/W horre JABUUTI oo hoggaaminaya guddiga doorashada dalka Algeria

Djibouti (Caasimada Online)- Raysal wasaarihii horre ee Jabuuti Former Dalita Maxamed Dalita ayaa hoggaamin doona koox kormeerto ah oo ka socda Midowga Afrika kuwaasoo goobjoog ka ahaan doona doorashada madaxweynonimada ee dalka dalka Algeria taasoo dhaceysa bishan April 17.

“Waxaan ku rajo weynahay in doorashada soo socota ee madaxweynonimada dalka Algeria ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo cadaalad ah,” ayuu mudane Dalita u sheegay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika ilaa 200 oo guddi caalami ah ay u dirayaan doorashada ka dhaceysa dalka Al-geria.

Raysal wasaarihii hore ee Jabuuto Daleyta Maxamed Daleyta
Raysal wasaarihii hore ee Jabuuto Daleyta Maxamed Daleyta

Mudane Dalita, ayaa hoggaaminayay koox kormeerto ah oo ka qaybgashay sannadkii horre doorashadii ka dhacday dalka Mali.

Wuxuu sheegay oo kale in dadka reer Algeria in ay jecel yihiin dalkooda isla markaana khibrad ay u lee yihiin dimuquraadiyada taasoo saldhig u ah doorashada soo socota in ay ku dhammaato guul.

Olaha doorashada madaxtinimada dalka Algeria ayaa billaabaneysa maalinta Axadda berri waxaana jirra dhowr siyaasiyiin oo mucaarad ah iyo kuwa u ololeenaya in markii afaraad uu ku guuleesato madaxweynaha iminka talada haya ee  Abdelaziz Bouteflika.

Si kastaba dadka la is lee yahay waa ay la tartami doonaan madaxweyne Bouteflika oo 77-jir waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii horre Ali Benflis oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com