Axmed Madoobe oo hadal yaab leh ku liiday qaranka Somalia, doortay Kenya

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe ayaa si weyn u taageeray hadalkii shalay kasoo yeeray haweeneyda gaashaandhiga u qaabilsan Kenya taasi oo sheegtay inaysan ciidanka Kenya ka bixi doonin Kismaayo.

Axmed Madoobe oo gacan saar la leh xukuumadda Nairobi, ayaa si cad u sheegay inuu kalsoonida uu ku qabo Kenya uusan marna ku qabin qaranka Soomaaliya lee yahay.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada Kenya ay qabteen howl ciidan qaran oo Somalia lee yahay uu qaban karo.

“Ciidanka Kenya kalsooni buuxda ayaan ku qabaa oo wax loo dhigaa jirin. Haddii ciidanka qaranka la dhiso xittaa waxaan kaga kalsoonahay waa ciidanka Kenya oo aan garabkooda ku nimid Kismaayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxaa uu intaasi raaciyey in dowlada Soomaaliya u muuqato mid diidan xalka Kismaayo kasoo bidhaamay oo ay qeybta ka tahay dowlada Kenya. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowlada Soomaaliya inay ku faraxdo ayey aheyd horumarka ammaan ee Kismaayo aan ka wadno anaga iyo ciidanka Kenya, halkii ay xumaan iyo kala furfur ugu dhaqaaqi laheyd howsha aan wadno” ayuu u sheegay Axmed Madoobe K24.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii dowlada Kenya shalay ay si rasmi ah u sheegtay inaysan ciidankeeda xasuuqa inay geysteen lagu eedeeyey ka bixi doonin Kismaayo, ciddii sidaasi ku taameysanaya ay niyaddooda ka saaraan. Iyaddoona Kenya ay sheegtay inay Kismaayo ka ilaalineyso ammaanka magaalada Nairobi. Waa sida ay hadalka u dhigtay wasiirada difaaca Kenya.

Dowlada Soomaaliya iyo ciidanka jooga Goobweyn ayaa guluf adeg ugu jira sidii ciidanka Kenya banaanka looga saari lahaa caasimada sadexaad ee Soomaaliya oo baryahan noqotay xarunta dilalka qorsheysan ee shacabka. Waxaana arrintaasi ku raacay Midowga Africa oo horey u sheegay inay ciidanka Kenya laga saarayo Kismaayo.

Haddiisa ay Kenya ku sii adkeysato joogisteeda Kismaayo waxaa ay lumin doontaa sharciyadii AMISOM oo ay ku joogtay Soomaaliya, waxaana markaasi dhaceysa inay dunida iyo Soomaalida kale u arkaan dal xoog ku soo galay gobollo ka mid ah wadan madaxbanaan.

Xigasho: Kismaayo24.net