Video: BF oo laga yaabo inuu ciidanka Amisom dalka ka ceyriyo kadib markii..

Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay Mandate-ka ama waqtiga ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ay ku joogaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska joogaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin waqtiga rasmiga oo Soomaaliya ay joogaan, taasi oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay.

Cosoble ayaa runta u sheegay xildhibaanada isagoo cadeeyay inay dhaqaale ku qaataan matalida shacabka Soomaaliyeed, laakiin aan loo baahneyn inaan laga warheynin waxyaabaha dalka ka dhacaya.

Wuxuu ka dalbaday gudoonka baarlamaanka Soomaaliya inay muhiim tahay in baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno hishiisyada lala soo galo dowladaha caalamka, laakiin taasi aysan dhicin.

Xilidhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Somalia ayaa sheegay in ay wasaarada maaliyada xukuumada Somalia laga rabo in mudanayaasha ay u soo bandhigto mushaaradka ay qaatan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheek Axmed Maxamed iyo gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa su’aal iska weeydiiyay in iyagu la qeexay muusharaadkooda waxa loo shaacin la’yahay lacagaha ay qaatan madaxda dalka.

Barlamaanka Somalia ayaa isaga waxaa uu todobaadkii hore uu bilaabay shaqadiisa caadiga ahaa waxana jirta in uu wado la xisaabtanka xukuumadani cusub oo iyadu soo magacaabisteeda timid waqtigii ay xildhibaanadu galayeen fasaxooda caadiga ahaa.

Halkan ka daawo xildhibaanada