Dowladaha France iyo Kenya oo isku raacay in waddanka Soomaaliya ay….

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Faransiiska oo wada kulmay ayaa ka wada hadlay arimo badan ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa waxyaabaha kale ee diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa xaalada dalka Soomaaliya iyo amaanka dalalka bariga Africa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay madaxweynaha Faransiiska Hollande in muhiimada la saarayo amaanka iyo xaalada kala dambeyn ee dalalka Soomaaliya iyo koofurta Sudan.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay in si wadajir ay kaga shaqeeyaan amaanka dalalka bariga Africa iyadoo faransiiska uu sheegay inay taageeri  doonaan dadaalada meletariga ee amaanka lagu xaqiijinayo.

Madaxweynaha faransiiska ayaa ugu dambeyn ugu mahadceliyay dowlada Kenya dadaalada dhanka amaanka ee Soomaaliya ay ka wado, isagoo ugu baaqay inay sii labio jibaaraan.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussells

Caasimada@live.com