XOG: Maxaa ka jira in R/W SAACID uu doonayo boos ka banaan BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili uu Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi “Qorrax” dhawaan shaaciyey xubintii uu ka hayay barlamaanka Soomaaliya inuu iska casiley, ayaa waxaa warar soo baxayay sheegayeen inuu badali doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Si kastaba, warar lagu kalsoon yahay, oo ku dhaw Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid Farax Garaad ayaa sheegaya inuusan xilligan diyaar u aheyn ka mid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya.

” Saacid hadda ma uu doonayo inuu noqdo xildhibaan badela Qorax oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya isaga baxay. Wararka sidaasi lagu sheegayna waxba kama jiraan “ Ayuu yiri mas’uul aad ugu dhaw Saacid Farax Garaad oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Intaasi waxa uu raaciyey inuu Saacid Farax u hambalyeyn doono qofkii kusoo baxa xilka xildhibaanimo ee uu Qorax baneeyey.
Saacid Farax Garaad ayaan isaga si rasmi ah uga hadlin arrinta hadal heynta ee ah inuu rabo ku biiritaanka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi dad badan ay sii gelisay shaki arrintaasi ku aadan.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo xukuumaddii Saacid Farax ka aheyd Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada ayaa dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku biirtay kadib markii uu booskaasi u baneeyey xildhibaan kale oo ay isku reer yihiin, Iyaddoo warar ka qaar sheegayeen inay dhaqaale ku bixisay arrintaasi.

Inkastoo hadda uu mas’uulkan sheegay inuusan Saacid rabin booskaasi, haddana waxaa la sugaa waa qofka si rasmi ah ugu soo bixi doona booskaasi xildhibaanimo ee iminka u banaan siyaasiyiinta ku reerka ah ee tartanka ugu jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com