Qoyska reer Abukar Cumar Cadaan oo ka warbixiyay sida loo dilay wiilkooda

Nairobi (Caasimada Online) – Qoyska reer Abuukari Cadaan ayaa ka warbixiyay dil wiilkooda loogu geestay magaalada Nairobi Jimcihii shaley.

Cabduqaadir Cumar Cadaan oo ay walaalo yihiin ganacsade Saciid Cumar ayaa ka warbixiyay sidda loo dilay walalkiisa iyo ilaa hadda cid loo qabtay in ay jirto.

Isagoo goordhow la hadlaayay Cabduqaadir BBC-da ayuu sheegay in walaalkiis ay toogteen dabley xilli uu sii galiyay xaruntiisa ganacsi ee ku taalla waddada (Mombasa Road).

Wuxuu sheegay in dableyda oo ku hubeysnaa bastoolad isla markaana watay Mooto ay seddax xabadood ku dhfuteen markii uu diidday in uu furo goobta ganacsiga oo xilligaas uu sii galiyay.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha loo maleenaayo in loo dilay walaalkiis.

Wuxuu tilmamaay in hadda ay socdaan baaritaan ay wadaan booliska balse ilaa hadda ay ogaadeen in ragga dilay ay ka soo raaceen Bangi uu lacag dhigay maadama uu ahaa Saciid ganacaade.

“Inta aan ka ognahay 9ka subaxnimo ayaa rag hubeysan oo watay mooto ay togteen isagoo sii galayay goobtiisa ganacsiga, waxa ay weydiiyeen in uu albaabka furo balse waa uu diidday markii dambana seddax xabadood oo bistoolad ayaa lagu dhuftay tuhunka ugu weyn ayaa kaas ah, laakib booliska ayaan siinay sidda ay wax u dhaceen iyaga ayaa hadda ku howlan arrinta” ayuu yiri.

Waxaa kaloo la weydiiyay in goobta uu ku dhintay iyo in kale, wuxuu tilmaamay allaha ha u naxarsiiteen ganacsade Saciid uu ku dhintay Isbitaalka markii qaliin lagu sameeyay.

Si kastaba ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay ganacsade Saciid Abuur Cadaan waxaana la lee yahay ninkaas tan iyo sannadkii 2007-da ayuu dagganaa Nairobi wuxuu lahaa shirkad ka shaqeeya dhisma sidoo kale waxaa uu la shaqeen jiray Qaramada Midoobay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com