CIIDAMADA DF SOMALIA oo is laayey

Jowhar (Caasimada Online)- Inta la ogyahay 12-askari ayaa ku dhintay dagaal maanta dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay deeganka Ceel-Cadde ee gobalka Shabeellaha Dhexe, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa ku jirra dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta lagu dagaallamay kuwaasoo haleeshay xabadaha la is weedaarsanaayay.

Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay in isku heestaan Isbaaro tiilay deeganka lagu dallaamay sidda ay lee yihiin dadka deeganka

Meydka askarta dowladda iyo kuwa dhaawacmay ayaa galabta la keenay Isbitaalka Madiina.

Xiisad ayaa weli ka taagan goobta ay ku dagaallameen ciidamada dowladda, waxaana cabsida ugu weyn ay heesata dadka shacabka ee ku dhaqan deeganka Ceel-Cadde.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dagaallamaan goob isbaaro ah oo lacago looga qaato gaadidka safarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com