XOG Yaa lagu khaarijin rabay QARAXII ka dhacay magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa faafin laga helayaa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo cidda lagu weeraray.

Qarax oo ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan waxaa lala eegtay baabuur uu la socday sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka lagu weeraray qaraxa ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Abshirow wuxuuna ahaa xoghayaha guddiga shaqaha dowladda.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha qaraxa wuxuu u muuqday mid lagu doonayay in lagu khaarijiyo Abshirow waayo baabuurkiisa ayaa lagu soo xiray in kastoo uu ku dhaawacmay.

Dhaawiciisa ayaa loo qaaday Isbitaalka AMISOM ee Xalane halkaasoo lagu daweynaayo iminka sidda ay lee yihiin saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ammanka ayaa goobta tagay, waxaana la damiyay baabuurka uu watay xoghaye Abshirow oo xilligaas hol cayay.

Muqdisho dhowr jeer ayaa lagu qarxiyay mas’uul ka tirsan dowladda mana jirto cid loo soo qabto falalka noocaas oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com