Arag Sawirrada: VILLA SOMALIA oo loo soo tababbaray ciidamo gaar u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka soo dagay ciidamo gaar ah oo la sheegay in ay waardiyeen doonaan xarunta madaxtooyda Soomaaliya.

Ciidamadan oo ah Soomaali lagu tababbarray dalka Isku tagga imaaraadka carabta ayaa tiradooda lagu sheegay 55 askari waxaana ku jirra saraakiil.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay agaasime ku-xigeenka madaxtooyada
Cabdi Muxumed Axmed iyo saraakiil kale.

Waxaa la sheegay ciidamadan in la soo siiyay tababbar gaar ah, waxaana loogu talagalay in ay waardiyeeyaan xarunat Villa Somalia.

“ Anigoo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Soomaaliya waxaan aad uga mahad celineynaa taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka nala garab taagantahay, mar walba xag dhaqale, xag siyaasadeed iyo xag ciidan intaba” ayuu yiri Cabdi Muxumed agaasime ku xigeenka madaxtooyada.

Waxa kale oo uu agaasime ku-xigeenka madaxtooyada uu kala dardaaramay ciidanka iyo saraakiisha soo dhammeystay tababarka in ay si hufan uga soo dhalaalaan howsha loo igmaday oo ah inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ka mid tahay xarunta Madaxtooyada.

Waxaa kaloo ciidamada loo soo tababbaray ka hadlay Kornayl Maxamed Maxamud oo ah madaxa saadka ee Madaxtooyada, isagoo sheegay in taageerada dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay tahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed

Si kastaba, ciidamadan loo soo tababbaray ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xarunta madaxtooyada Villa Somalia weerar maalin lagu qaaday saraakiilkan lagu dilay.

IMG_17151

IMG_1720

IMG_1725

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com