XOG: AXMED MADOOBE oo soo diray wafti la gorgortama Dowladda Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo Xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba uu soo diray wafdi ka socday maamulkiisa kuwaaso0 hadda ku magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda maamulka KMG ah waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere.

Maxaa keenay wafdigan Muqdisho?

Sidda ay lee yihiin ilaha xog-ogaalka ee noo warramay wafdigan ayaa la sheegay in sabab u yihiin in ay Muqdisho yimaadaan markii toddobaadkii horre ay kulmeen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Danjire Key ayaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ku wareejiyay warqad ka timid madaxweynaha Soomaaliya balse si dhab ah looma oga wax yaabaha ku qornaa warqaddaaas.

Weli waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe, arrinta ugu weyn ee la isku heestan waa in maamulka KMG ah ee Jubba aaney soo wareejin maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Maamulka Axmed ayaa si cad ah u sheegay in uu uusan wardeejin doonin garoonka iyo dekedda Kismaayo maadama maamulkooda uusan dhaqaale ka helin dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com