Hooyadii Soomaaliyeed ee sharafta badneyd sidaas miyaa u dambeeysay – Sawiro argagax iyo calool xumo badan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxay xaqiiqsatay in Somalidu ilka beeshay oo Dowlad u dooda iyo xaquuq laheyn ,waxaana ka marqaati kacaya sawirkaan argagaxa iyo calool xumada badan.

Sedexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Nairobi ka dhacay tacadiyadii ugu xumaa taariikhda ee Ciidamadda Kenya kula kacaan bulshada ku hadasha afka Somaliga hasse yeeshee Nasiibdaro Dowladda Somalia Madaxweyne ilaa Wasiir midna kama damqan dilka,kufsiga,barakicinta iyo jirdilka ay Ciidanka Kenya ku sameeyeen hooyooyinka iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Sawirkaan wuxuu qofkasta oo Somalia qalbigiisa ku reebayaa uurxumo iyo argagax laakiin waxaan isweydiiyay Hooyada ay askarta Kenya ku ridayaan gaariga weyn iyo Wiilkeeda Saqiirka maxay sidaas foosha xun ugu rafaadinayaan?

ilmada-somalida3Hooyada iyo dhaleenkeeda argagixiso miyaa? qori miyeey wateen?

Hadii gaarigaas lagu riday,xagee la geeyay? sidee loola dhaqmay? mala kufsaday ?

Gabadhaas Soomaaliyeed ee Askarta Kenya kobaha kula dul taagan yihiin mala waayay geesiyiin Soomaaliyeed oo ka damqada?
Kenya oo sidaas dadkii Soomaaliyeed u gashay miyaa Ciidankoodu joogaan dalkeena Somalia oo shacab iyo dowlad laga aamusan yahay?

Dad Somalia oo sheeganaya inay yihiin Xildhibaano,Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya miyaa jawaab ka bixin waayay sidaas foosha xun ee dadkooda loo galay? ma waxay ku raaxeeysanayaan xilalka Kakuuyada u magacaawday?

ilmada-Somalida2Gaarisa, Doolow, Mandeera iyo wajeer bulshada ku nool ee Soomaaliyeed maka damqan waayeen in dushooda lagu dilo,lagu fara xumeeyo haween iyo dhalaan Somalia?

Sidaasi foosha xun ,si ka sii xun ayaad goobjoog u noqon doontaan Soomaaliyeed,kuwa sheegta Somali Kenya ,waxay kaa dambeeyaanba waa GU iyo deeyrtiis mar hadii Somalidii looga cabsan jiray maanta sidii loo jiiday wadooyinka.

Habeenkii Danel Arab Moi xiray boqolka Somalida wuxuu Mohamed Siyaad Barre ku yiri ” Haduusan Madaxweyne Moi sii deyn caawa dadkaas Soomaaliyeed subaxdii waxaad naga eegtaan sarta xagashaleh ee Nairobi ” laakiin nasiibdaro Madaxweyne Garguurte ilaa hada afkiisa lagama hayo xitaa waa ka xunahay in Kenya sidaas u gasho berimageydada Soomaaliyeed

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com