Axmed Madoobe oo xiray Suldaan uu ka shakisan yahay inuusan fulin doonin qorshihiisa

Kismaayo (Caasimada Online)  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la kulmayo tartan culus iyo cadaadis ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu doonayo in markii saddexaad loo doorto hoggaanka maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa qaaday talllabo ka dhan ah Odayaasha, gaar ahaan kuwa isaga fakir ahaan ka soo horjeeda.

Ciidamada Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay Kismaayo ku xiray Suldaan Maxamed Cismaan Yuusuf (Kabow), kadib markii la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu ka shakiyey inuusan fulin doonin qorshihiisa ku aadan doorashada maamulka Jubbaland.

Nabadoon Cabdullaahi Waamo oo ka tirsan waxgaradka gobollada Jubbooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey xariga Suldaan Kabow.

Wuxuu sheegay in go’aanka lagu xiray uu bixiyey Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana uu doonayo in Nabadoon kale oo been abuur ah uu ku bedalo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in awood maamul ay ka jirto Kismaayo, islamarkaana ay tirsanayaan Cadaalad darro.

Bisha Augusto ee soo socota ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud ee Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe haatan uu la kulmayaa loolan uga imaanaya Musharraxiinta ku sugan Kismaayo iyo cadaadis kale oo ay saareyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com