Madaxweyne Deni oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis la qariyey

Garowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Cabdiraxmaan Xaaji Xasan oo ahaa agaasimhii ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Sida ay ogaatay Caasimada Online xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Cabdirabi Cismaan Maxamed.

Wareegtadan ayaa laga qariyey warbaahinta, iyadoona si hoose xilka looga qaaday mas’uulkaasi, looguna magacaabay midka cusub.

Saraakiisha iyo ciidamada Badda ee PMPF ayaa la faray inay la shaqeyaan agaasimaha cusub.

Lama oga sababta loo qariyey Digreetada, balse todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweynaha Puntland ayaa waday isbedallo lagu sameynayo hay’adaha amniga ee maamulkaasi

Deni oo xilkan loo doortay 8, January  ee sanadkan ayaa inta badan bedalay xubnihii la shaqeynayay Madaxaweynihii isaga ka horreeyay ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Halkaan ka daawo Warkaan oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com