26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Axmed Madobe oo xubno usoo diray Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta kasoo duulay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda maamulka KMG ee Jubba ayaa la sheegayaa iney magaalada Muqdisho u yimaadeen qorshe ay kamid yihiin ka qeyb galka barnaamij looga hadlayo Hiigsiga cusub oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa hogaaminaya wasiirka Arimaha dibada ee Jubba iyo masuul ka socda madaxtooyada maamulkaasi oo labadoodaba ka qeyb galaya shirar ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in wafdigaasi ay sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya iney la kulmi doonaan xubnaha ugu sareeyo dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News