28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: 100 ku geeriyootay qaraxyo 2 MASJID

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyoodey ku dhwaad saddex boqol oo kalena way ku dhaawacmeen afar qarax oo maanta ka dhacay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Qaraxyadaas oo dhammaantood is-miidaamin ahaa, waxaa lala beegsaday labada masjid ee Badar iyo Al-xashuush xilligii lagu jirey salaadda Jimcaha. Labada masjid waxaa ku cibaadeysta dadka haysta madhabta Shiicada, gaar ahaan madaxda kooxda Xuuthiga iyo taageereyaashooda.

Tobannaan qof oo  u badan kuwo dhaawacyo culus qaba ayaa la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu aad u kororto saacadaha soo socda.

 

Dadka werarradan ku dhintey waxaa kamid ah imaamkii masjidka Beder Sheekh Murtada bin Zayd al-Muhatwari. Sheekhan ayaa kamid ahaa hogaamiye diimeedyada ugu caansan dalka Yemen.

Waa markii ugu horreysey ee weerar caynkan oo kale ahi ka dhaco xarunta dalka Yemen ee Sanca, laga soo bilaabo markii ay gacan ku haynta magaalada si buuxda ula wareegeen mileeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiga.

qarax masjid 2qarax masjid 3qarax masjid 4qarax masjid 5qarax masjid 6qarax masjid

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News