Ax’ed Madobe: Reer Galmudug mid ha ogaadaan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba oo ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay qorshaha uu tagay magaalada Garowe halkaasi oo maalintii shalay lagu soo dhaweeyay.

Axmed Maxamed Islaam, “Madoobe”, wuxuu sheegay in safarkiisa magaalada Garoowe uusan aheyn in ku saleysan burburinta dalka Soomaaliya laakiin ay kaga tashanayaan khilaaafka ka dhaxeeya labada maamul iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marnaba aysan duulaan ku aheyn maamulka loo sameeyay gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ah maamul cusub kaasi oo madaxweyne looga dhigay C/kariin Xuseen Guuleed.

“Reer Galmudug mid ha ogaadaan, Anniga umaan imaan Garoowe inaan burburiyo maamul cusub oo dhisan, waxaan dooneynaa inaan ka tashanaa khilaafkaadyada jira ee annaga iyo dowlada dhexe, waxaa ogsoon tihiin iney jiraan khilaafkaasi, marka annaga ma jirto cid aan duulaan ku nahay”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Magaalada Garoowe waxaa maalmahaanba la hadal hayay tagitaanka Axmed Madoobe oo isbaheysi qabyaaladeed la sameysanaya madaxweynaha Puntland C/welli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com