Dhageyso: Baarlamanka Puntland oo soo saaray 5 qodob oo lid ku ah horusocodka Soomaaliya

Garoowe(Caasimada Online) – War aan ka helnay Hoolka ay ku shirayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay soo saareen dhowr qodob oo kasoo baxay Doodii Baarlamaanka ee socotay maalmihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maalmahaani oo idil ka arrinsanaayay sida ay ka yeeli lahaayen Qodobadii ay horay ula saxiixdeen DF Somalia.

Go’aamada ay baarlamaanka Puntland gaareen ayaa ka koobnaa 5 qodob waxayna kala ahaayeen:
1- Baarlamaanka Maamulka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo marqaati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.

2- Baarlamaanka Maamulka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in xeerarka Baarlamaanka Federalku ansixiyey ee aan lagala tashan Maamulka Puntland isna sharci ahan xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo la raacayo qodobka 111 ee dastuurka .

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-

A-Gudiga dib u eegista dastuurka Dowladda Federaalka.

B-Gudiga Doorashooyinka.

C-Gudiga Xuduudaha iyo Arrimaha Federalka.

4- Baarlamaanka Maamulka Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in dhismaha Maamul Gobaleed aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.

5- Baarlamaanka Maamulka Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha October hadii Dowladda Federaalka ku adkaysato wax ka badalka Dastuurka iyo Hishiisyada la galay Baarlamaanka Maamulka Puntland wuxuu go’aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta Maamulka iyo Dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Cali Shire, ayaa faah-faahiyey go’aanadooda ee hoos ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com