Dhageyso: “Dableyda wax waa laga dilay, laakiin xoghayaheygii wuu dhintay” Sidaasi waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay xoghayihii degmada Kaxda, kaasi oo gaarigiisa lagu horjaray gaari kale kadibna rasaas lala dhacay.

Cabdi kamil Shukri Macalin Xirsi, gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dilka ay ka dambeeyeen dabley hubeysan oo gaari NOHA ah watay, kuwaasi oo muddo ay wada dagaalameen.

Gudoomiyaha Kaxda ayaa sheegay in dilka Xoghayaha ay ka xun yihiin, laakiin wuxuu sheegay iney baaritaano ku wadaan ay ugu raad joogaan dadka dilka ka dambeeyay.

Kooxaha dilka geystay ayuu sheegay in dhankooda ay hal ruux ka dileen kuwo kalana laga dhaawacay, sidoo kalana laga banjariyay  gaariga ay wateen.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com