DF ee CALI GAAF: Xasan Sheekh oo 6 ku beel ah maanta u kaxeeyey safar dibadeed + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis-Ababa, ayaga oo 13-ka bishan ka qeyb galaya shir halkaas ka dhacaya.

Shirka International Conference on Financing For Development, ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliya doona 16 xubnood oo kale, oo uu ka mid yahay Faarax Cabdulqaadir iyo xubno ka tirasan beeshiisa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in waftiga intaas ka badan yahay.

Sida xubno lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, wuxuu madaxweynaha horey u watay oo safarka ku wehliya lix qof oo beeshiisa hoose ee Cali Gaaf, Wacaysle ka tirsan, maadaama uu dhowaanahan xilal ku tixayey beeshiisa.

Caasimada Online aya heshay magacyada 16-ka qof ee la socda Xasan Sheekh iyo jagooyin la sheegay inay ka hayaan Somalia:-

1 – Xasan Sheekh Maxamuud – Madaxweyne

2- Cabdisalaan Cumar Hadliye – Wasiirka arrimaha dibedda

3 – Faarax Sheekh Cabdulqadir – Xildhibaan

4 – Saadaq Cabdikariim Xaaji – Deputy Chief of Staff – Cali Gaaf, Wacaysle

5 – Aweys Xaaji Yuusuf – La-taliye 

6 – Muna El-Sharmaan – La-taliye

7 – Cabdiraxman Adan Cusmaan Kampala – Chief Protocol – Cali Gaaf, Wacaysle 

8 – Daa’uud Aweys Jaamac – Afhayeen

9 – Maxamed Keynaan – La-taliye

10 – Cabdinuur Xasan Faarax – Protocol, Wacaysle

11- Liibaan Aadan Cabsiye – La-Taliyaha Wasiirka arrimaha dibedda

12 – Hinda Axmed Cali – Kaaliye wasiirka arrimaha dibedda

13 – Iimaan Cabdulqaadir Maxamed – Wasaaradda arrimaha dibedda

14 – Bashiir Khaliif Gaani – Weriye SNTV

15 – Cabdulqaadir Maxamed Xasan –  Cameraman, Wacaysle

16 – Cabdiwahaab Maxamed Macallin – Security, Cali Gaaf, Wacaysle

17 – Maxamed Axmed Macallin – Security, Cali Gaaf, Wacaysle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com