XOG: Haweeneydii loo xil saaray gudbinta kiiska Somalia ee dacwadda badda oo u goysay Hague

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ayada oo dowladda Soomaaliya laga sugayo inay caddeymaha kiiska dacwadda badda ee ka dhanka Kenya gudbiso maalinta Isniinta ee July 13 2015, ayaa waxaa soo baxaya in qofkii howshaas ay u xil saartay dowladda uu ka seexday.

Muna Sharmaan oo la taliye u ah madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana loo wakiishay gudbinta dacwadda iyo keenista khuburadii difaaci lahayd Somalia, ayaa maanta u dhoofeysa magaalada Addis-Ababa.

Muna Sharmaan ayaa ah haweeneydii keentay khuburada Soomaaliya difaaceysa ee ajnabiga ah, ayada ayaana madax u ah.

Muna ayaa waxa ay qeyb ka tahay wafti ka kooban 17 qof oo madaxweyne Xasan Sheekh uu horkacayo oo maanta u dhoofaya shir maaliyadeed ka dhacaya dalka Ethiopia.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta Muna ay aadista Addis-Ababa uga doorbidday inay tagto magaalada Hague, islamarkaana hubiso in kiiska Somalia si habsami leh loo gudbiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com