Cabdi Weli GAAS “Waxa aan xaq u leeyahay waa in DF SOOMAALIYA ay fadhigeyga iigu keentaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay taagan tahay isfahan’waa Siyaasadeed oo ka dhex oogan DF Somalia iyo Maamulka Puntland ee Hanaanka cunsuriyadeed ku shaqeynaayo, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo warar kala duwan oo uu C/weli Gaas hawada u marinaayo DF Somalia.

C/weli Gaas oo iminka Magaalada Garoowe uga yeeray Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe si ay usii kordhiyaan faquuqa Qaranimada Somalia, ayaa waxa uu sheegay in ka Hogaamiye ahaan uusan u dulqaadan doonin lunsashada xuquuqda uu sheegay inay leedahay Puntland.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay ku qasban tahay in wax waliba oo khuseeya Siyaasada Puntland fadhigiisa loogu keeno, hadii ay taasi ka dhaga adeegto DF uu isaguna cagtacagta u saari doono.

Gaas wuxuu ku goodiyay inuu sii kordhin doono is hortaaga wax waliba oo kasoo baxa DF Somalia, hadii kale Dowladu ay fulisaa baahiyaha jiro.

”Puntland sinaba kuma hakin doonto ka hor imaanshaha DF Somalia, waxaa waajib ku ah Xassan Sheekh in wax waliba uu fadhiga iigu keeno, hadii la waayana waxbadan la weyn doono”

Gaas ayaa isaga ku faanaayo inuu carqaladeeyo Hanaanka ay DF Somalia ku taabagalin laheyd Mustaqbalka Somalia, waxa ayna taasi muujineysaa mid ay DF Somalia u yeelyeeshay.

Dhanka kale, DF Somalia oo Siyaasad ahaan hooseysa ayaan garaneynin waxa uu Dastuurka ka qabo ficilada waraabe ee uu ku kacaayo C/weli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com