Xog: Laba wasiir oo isku haysta maamulka maal-gashiga SOOMAALIYA iyo arrinta oo gaartay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba wasaaradood oo ka mida wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ayaa isku heysta wasaaradii uu hoos imaan lahaa maalgashiga dalka, kadib markii labadan wasaaradood mid waliba sharci ku saabsan maalgashiga ay soo diyaarsatay. Muranka labada wasaaradood ayaa hadda maraya halkii ugu sareysay markii Golaha wasiirada ay gaartay arrintooda.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa June 2013 u gudbisay Baarlamaanka Hindise sharciyeed ku saabsan Maalgashiga oo muddo dheer qaatay kadibna dib loo celiyay, waxaana hadda soo if baxay sharci kale oo wasaaradda arrimaha dibadda dooneyso in baarlamaanka loo gudbiyo arrintaas oo ay ka hor timid wasaaradada ganacsiga oo ku dooday in sharci hore loo gudbiyay uu jiro arrimahaasina ay u xilsaaran tahay Wasaaradda ganacsiga oo uu hadda wasiir ka yahay C/raxmaan Cabdi Cusman.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo magaceeda la raaciyo mararka qaarkood “maalgashiga” iyo wasiir C/salaan Hadliye Cumar ayaa iyadana ku doodeysa in awoodaheeda ay ka mid tahay arinta maalgashiga oo dunida oo dhan wax ka weydiineyso loona soo maro marka la doonayo in Soomaaliya la maal gashado.

Dooda labada  wasaaradood ayuu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka gaabsaday inuu go’aan ka qaato isagoo u saaray guddi farsamo oo sharcigii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo midka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda isu eega kadibna kasoo tala bixiya.

Lama oga sida is-qabsigan ku dhammaan doono laakiin waxaa ka muuqata inaysan golaha wasiirada u kala qeybsaneyn shaqooyinkooda, Ra’iisal wasaaruhuna ku guul darreystay inuu tallaabo go’aan ah ka qaato arrintan.

Isha goobjooge