Video: Farmaajo oo ka horyimid qorshaha cusub ee Xasan Sh. uu ka damacsan yahay barlamanka

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa go’aan ka gaaraya Nickolay Kay, Xasan Sheekh iyo madaxda maamul-goboleedyada, kullan Muqdisho ka dhacaya 29-30 July, 2015, sida ku cad warqad sir ah oo ay heshay Caasimada Online, oo ay saxiixeen Nicholas Kay iyo Xasan.

Kullankaas ayaa waxaa lagu go’aamin doonaa aayaha Soomaaliya ee 2016, ayada oo la iska indha tirayo aragtida shacabka, laguna shaqeynayo rabitaanka Ethiopia iyo Kenya oo ah dowlado tira badan oo Soomaaliya ka dhisan oo dhammaantood ku xiran labadaas dal ee cadowga ah.

Qorshaha Xasan Sheekh iyo Kay ay fulinayaan, balse ay soo diyaariyeen dhinacyo kale, ee lagu heshiin doono 29-30 July 2015 ayaa ah in baarlamaanka cusub ee imanaya 2016 ay soo xulaan maamul goboleedyada sharci darrada wada ah ee Xasan Sheekh iyo Kay ay dalka ka dhiseen.

Haddaba ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in baarlamanka hadda jiro ay baddali karaan kaliya xildhibaanno shacabka uu soo doortay.

Halkan hoose ka daawo.