Warbixin: Odayaal u hanjabay Guuleed iyo xiisad ka dhalatay dhismaha GALMUDUG-ta cusub !!!!

Muqqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Xiisad ay ka dhextaagan tahay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Odayaal dhaqmeed iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Odayaasha qaar ay Guuleed kaga soo horjeedan go’aankii ahaa in dhismaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa uu kala imaan doono jeebkiisa isaga oo u fiirinaayo beel beel.

Odayaal kulan la qaatay Guuleed ayaa la sheegayaa inay fadhiga uga soo kaceen Guuleed kadib markii uu ku adkeystay go’aankaasi, waxa ayna Odayaasha ku goodiyeen inay dib ula laaban doonaan kalsoonidaado.

Sidoo kale, Go’aanka Guuleed ayaa waxaa ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo iyagu go’aanka Guuleed u arka caqabad ka hor imaaneyso shaqsiyaaad gaar ah oo ay doonayaan inay kamid noqdaan Xukuumada cusub ee Maamulkaasi.

Ad adeega C/kariin Guuleed ayaa abuuray xiisad u dhexeysa Madaxweynaha Maamulka iyo odayaasha, Xildhibaanada oo dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa in go’aankaasi uu Guuleed ku abuurto mucaarad hor leh.

Dhanka kale, Musharaxiintii laga guuleystay ayaa la sheegayaa inay dhaqaale ku bixinayaan sidii looga soo horjeysan lahaa Maamulka Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com