XOG: Xiisad ka dhex oogan shacabka & Amisom

Marko (Caasimada Online) – Xiisad daran ayaa ka taagan magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose taasi oo ka dhalatay kadib markii ciidamada AMISOM dad rayid ah ku dileen bartamaha magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inciidamada AMISOM afar ruux oo rayid ah ku dileen magaalada Marko, taasi oo dhalisay in shacabka magaalada ay dhigaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dhibataada AMISOM.

Waxaa wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada AMISOM oo ka jawaabaya qaraxyo lala eegtay ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah, taasi oo shacabka magaalada ku qasabtay iney banaanbaxyo sameeyaan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada AMISOM ruux rayid ah ku dileen agagaarka masjid caan ah oo ku yaala bartamaha magaalada.

Maamulka Shabeelaha Hoose iyo taliska ciidamada AMISOM ayaanan wali ka hadlin xiisada ka taagan magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Hoose
Caasimada@live.com