Mas’uuliyiin u xirnaa musuqmaasuq oo la daayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay masuuliyiintii ku xirnaa magaaladaasi, kuwaasi oo ku eedeysnaa musuqmaasuq gargaar.

Sheikh Xuseen Cismaan Cali, oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Hiiraan ayaa Caasimada Online u sheegay in gudoomiyiha degmada Buulo-burde iyo duqii degmada laga sii daayay xabsiga magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Buulo-burde Cabdicasiis Duurow, ayaa la xiray bishii Janaayo ee sanadkaan kadib markii amarka xiritaankiisa bixiyay uu bixiyay xeer ilaalinta qaranka oo ku eedeeyay masuuliyiintaasi musuqmaasuqa gargaar loogu talo galay shacabka magaalada Buulo-burde.

Lama oga sababta sii deynta iyo qaabka lagu sii daayay masuuiyiintaasi, maadaama horay dambiyo loogu eedeyay, waxaana xubno ka tirsan shaqsiyaadka lasii daayay inoo sheegeen inaan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Wararka qaar oo Caasimada Online ay heleyso ayaa sheegaya in sii deynta masuuliyiintaasi uu ku luglahaa taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com