Xog: Axmed Madoobe, C/Welli Gaas iyo Ethiopia oo qorshe halis ah damacsan maamulka Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysi cusub oo mucaraad ku ah ayaa soo baxay tan iyo markii magaalada Cadaado lagu dhisay maamulka Galmudug, waxaana isbaheysiga ugu horeeyay qorshaha PLAN B oo ay dajisay dowlada Ethiopia ka hor dhismaha maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado.

Qorshahaasi waxaa ujeedadiisa ay aheyd haddii Ethiopia ku guul dareysato damaca ay ka laheyd siysaasada Galmudug oo ay la doonayeen Axmed Cabdi Salaan haddii la doorto la baabi’iyo Maamulka Ahlu sunna, laakiin maadaama la guuleystay waxaa uu noqday caqabad cusub oo hor taagan maamulka Galmudug.

Doorashadii Galmudug oo madaxweyne loogu doortay C/kariin Xuseen Guuleed waxay sii kicisay naceybka Puntland ee maamulka gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, waxayna shacabka Puntland ay dhigeen banaanbaxyo ay ku mucaaradayaan arimahaasi.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Puntland iyo Jubbaland oo ku kulmaya magaalada Garoowe iay ka arinsanayaan sidii ay ku taageeri lahaayeen maamulka Ahlu sunna ee magaalada Dhuusomaree lagu dhisay.

Sidoo kale dowlada Ethiopia ayaa dooneso iney sii nooleyso qorshaha PLAN B oo waqti badan looga lumiyo dowlada Soomaaliya iyo hogaamiyaha maamulka Galmudug dib u hishiisiinta loo sameynayo Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug.

Waxay dooneysaa dhankeeda iney taageerto si hoose laakiin marnaba aan lagu arag magaalada DHuusomareeb xubno iyada matalaya, waxaasa socda qorshe madaxda maamul goboleedyada Jubba iyo Puntland kaga qeyb galayaan caleemo saarka madaxweyne Sheikh Axmed Shaakir oo Ahlu sunna ka tirsan.

Shacaba Soomaaliyeed ayaa qoorta la isku geliyay halkii ay si wadajir ah isaga celin lahaayeen cadowgooda, ayna raadsan lahaayeen xuduudaha iyo dhulka kaga maqan Ethiopia iyo Kenya, iyadoo loo sameeyay xuduud beenaadyo dalka dhexdiisa ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com