Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo dhisaya is-baheysi beeleed kasoo horjeeda DF Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland. Wafdiga Axmed Madoobe  waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Socdaalka Axmed Madoobe ee Garowe  oo beryahan la hadal hayay ayaa salka ku haya sidii ay labada maamul isaga kaashan lahaayeen ka hortagga dowladda federaalka oo xiriir liita uu kala dhaxeeyo, waxaana labada maamul ay ka mideysan yihiin arrimo dhowr ah oo ay isku hayaan dowlada federaalka.

Axmed Madoobe oo dhowaan Addis ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka codsaday in Itoobiya ay dhexdhexaadiso muranka dhex yaala Maamulkiisa Jubba iyo dowladda Federaalka iyo khilaafka ku dhaxeeya maamulka Jubba iyo Koonfur Galbeed.

Puntland oo ku gacan seyrtay dhammaan dadaalka dowladda Federaalka wado sida dhismaha maamulada dalka iyo guddiyada qaranka ayaa ku hanjabtay inay ka fiirsa doonto ka mid ahaanshaha dowladda Federaalka, halka maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka uu dhex yaallo khilaaf adag  oo ku saabsan dhismaha baarlamaanka Jubba ee sharci darro uu ka dhigay baarlamaanka federaalka.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay kulamo ay yeeshaan kadib soo saaraan qoraal cusub oo si mideysan ay ugu cambaareynayaan dowladda Federaalka, isla markaana qaadici doonaan guddiyada qaranka ee dhowaan la dhisay.

Shirka labada maamul ayaa imaanaya iyadoo laga war sugayay shir ay Muqdisho isugu yimaadaan madaxda maamulada dalka ka jira iyo dowladda federaalka oo uu qabanqaabadiisa waday ergeyga Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay. Shirkaas ayaa u muuqda inuu baaqday ama ugu yaraan dib u dhac weyni ku yimid.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com