Ximan iyo Xeeb: Maamulkeena weli waa dhisan yahay waxaan dooraneynaa madaxweyne cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xaaji Xuseen oo ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo dhawaan safar ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in weli uu dhisan yahay Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Maxamed Xaaji waxa uu sheegay in qorshaha uu yahay in dib ay usoo doortaan Madaxweyne Cusub islamarkaana Maamulka uu yahay mid weli taagan oo aan burburin.

Max’ed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in labda maamul ee lagu ka dhisay Cadaado iyo dhuusamareeb ay soo dhaweynayaan , islamarkaana maamulkii Ximan iyo Xeeb ay qaban qaabinayaan dhismaha Maamul cusub oo Ximan iyo Xeeb ah kadib markii sida uu hadalka u dhigay uu Shaqadiisa ka tagay Madaxweynihii hore ee Mamaulkaasi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ujeedka loo soo cusbooneysiinaayo Maamulka Cadaado uu yahay mid la xiriirta baahiyaha shacabka ku nool deegaanada uu ka arimin jiray Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in xubnihii hore ee Maamulka ay ka calool goostan dib usoo cusbooneysiinta Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com