Madaxweyne Guuleed oo ku wajahan Gaalkacyo isaga oo wada qorshe kumanaan ciidan uu…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaarayo ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Mamaulka Galmudug C/kariin Xusein Guuleed ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku wajahan yahay Magaalada Gaalkacyo, ee xarunta Gobolka Mudug.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu ku qotomo la wareegida Xarumaha Maamulkii hore ee Galmudug, tiro koobka Ciidamada, Hantida Maamulkii Galmudug ee uu Madaxweynaha ka ahaa Jen. Cabdi Qaybdiid.

Madaxweynaha Maamulka cusub ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale shaaciyay in maamulkiisa bilaabay qorshe lagu doonayo in ciidamo rasmi ah loogu sameeyo, iyadoo markii hore ay degaanadaasi ku sugnaayeen ciidamo beeleed iyo kuwo dowladda taabacsan oo kala duwan.

Hogaamiye C/kariin Guuleed ayaa u muuqda inuu howshiida ugu horeysa ka dhigay dhismaha ciidamada, iyadoo ay jiraan khataro ku wareegsan maamulka cusub. Ciidamada la isku dhafayo oo kumanaan ah ayaa kala ah:

1 – Ciidamada uu heystay Cabdi Qeybdiid ee ka tirsanaa maamulkii hore ee Galmudug
2 – Ciidamada Cadaado ku sugnaa ee hoos imaanayay Maamulkii Ximan & Xeeb
3 – iyo Ciidamadii dowladda Federaalka ee fadhigoodu ahaa Dhuusamreeb

Guuleed ayaa sheegay in isku dhafka ciidamada Galmudug ujeedkoodu yahay in la helo hal ciidan oo maamulkaasi hoos yimaada awoodna u yeesha sugidda ammaanka, iyadoo guddiyo kala duwan loo magacaabay arrintan oo ay la shaqeyn doonaan maamuladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com