R/W CCC oo maanta safar ka ah MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu wadaa in maanta uu booqan doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Mas’uul ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa Xaqiijiyay in maanta oo Isniin ah uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia tagi doono Magaalada Garoowe isagoona halkaasi kulamo kula qaada doono Mas’uuliyiinta Maamulka iyo wafdiga Maamulka Jubba.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka socdaalka Ra’isul wasaaraha uu yahay sidii Xal Dowlada Federaalka ay uga gaari lahayd Muranka kala dhaxeeya Maamulka Puntland.

Socdaalka ayaa waxa uu sidoo kale daba socdaa go’aankii Baarlamaanka Maamulka Puntland uu shalay soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay sheegeen in ay ka soo saareen Nidaamka Federaalka iyo Xariirka kala dhaxeyn kara Puntland Dowladda Dhexe.

Dhanka kale, waxaa iminka Magaalada Garoowe ku sugan Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland oo Maalmahaan wada hadalo la lahaa Madaxda Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com