SIIDII oo ay u tashatay beeshiisa + MAGACYADA

Marka (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo dhanka Siyaasiyiinta Beesha Garre ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Beesha ay wadaan dadaalo ay xilka uga qaadayaan Gudoomiyaha Sh/hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Beesha oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan gaar ah oo u dhexeeyay Odayaasha Beesha iyo Odayaal kale oo kasoo jeeda G/Sh/Hoose.

Kulanka ayuu sheegay in Odayaasha Garre ay Odayaasha beelaha kale uga dalbanayeen inay garab kusiiyan sida ay xilka uga qaadi lahaayen C/qaadir Siidi oo xiligaani ay u arkaan mid aan kasoo bixi karin kaalinta Beesha Garre.

Kulanka oo ahaa mid si qarsoodi ah uga dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa Odayaashii isugu yimid:

1-Ibraahin Cali Xaaji
2-Maxamed Xasan Fiqi
3-Macallin Barre
4-Maxamed Abuukar Tima-gaduud
5-Awyare Abshirow
6-Shariif Faraanti iyo Nabadoon Fanax.

Beesha ayaa ku andocooneyso in Siidii uu laalay kaalinta Beesha, islamarkaana howshiisa ay noqotay mid kusoo idlaatay Dagaalada Gobolka ka dhaca, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in Odayaasha kor ku xusan ay madasha kusoo bandhigeen Warqad dacwad ah oo ay u qoreen Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Odayaasha Beesha Garre ayaa doonayo in booska Siidii ay galiyaan Mas’uul kale oo magaciisa lagu soo koobay Boorte kaasi oo ay qorsheynayaan inay ka iibiyaan Shariif Xassan si xilkaasi loogu dhiibo.

C/qaadir Siidii ayaa isagu kaalin wanaagsan kaga jira halganka ka socda dalka Somalia, gaar ahaan kan lagu xoreynaayo Gobolada Sh/hoose, waxaana suuragal ah in Odayaasha ay ku guul dareystaan hamigooda.

Waxaan la saadalinkarin go’aanka Madaxweyne Shariif Xassan oo isagu la dhacsan howlaha uu qabanaayo C/qaadir Siidii, wallow ay suuragal noqon karto inuu u hogaansamo go’aanka ay qaaten Odayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com