PUNTLAND: Wasiirkii qaran doon ah XAMAR ha tago, shaqsigii la shaqeeya DF waxaa ballan ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Puntland ay si cad uga hor imaaday Hanaanka lagu kobcinaayo Qaranka Somalia, ayaa waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo sheegaya in Madaxda Maamulkaasi ay hanjabaad ugu jeediyeen Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo isagu kaalinta koowaad kaga jira carqaladeynta Qaranka Somalia, ayaa waxa uu ku goodiyay in Madaxtooyada Puntland ay xil ka qaadis ku sameyn doonto Wasiirkii ama Xildhibaankii la shaqeeya DF Somalia.

Waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka ku wargaliyay in shaqsigii doonaayo soo nooleynta Qaranka Somalia uu tago Xamar, islamarkaana Deegaanada uu Maamulka ka arrimiyo aan laga fulinkarin shaqo ay horboodeyso DF Somalia.

Wuxuu sheegay in guud ahaan Deegaanada Maamulka laga mamnuucay inay Puntland ka shaqeeyaan guddiyada DF Somalia ay magacawday ee Baarlamaankeedu ansixiyey asbuucyadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Maamulka ay Wasiirada uga digeyso inay dhinac Maraan go’aanka Golaha Wakiilada oo ay la shaqeeyaan Guddiyadaasi.

Waxa uu ku goodiyay in talaabo cad laga qaadi doono cid kasta oo gudiyadaasi la shaqeysa oo ka tirsan DF, islamarkaana xooga saari doonaan in la dhameystiro go’aamada ka soo baxay baarlamaanka Puntland.

Hanjabaadaani ay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka jeediyeen go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka kadib, ayaa waxa ay ku soctaa shaqsiyaad ka kala tirsan Xukuumada iyo Baarlamaanka Maamulka kuwaasi oo u jilicsan Qaranimada Somalia.

Geesta kale, Puntland ayaa cadeysatay inay kasoo horjeedo waxa loogu yeero Qaran Soomaaliyeeda, waxa ayna u xuubsiibaneysaa ololinta Colaado hor leh oo ka dhashay gayiga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com