Maxaa ka cusub xiisada Gaas vs Gen. Muxidiin?!

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dadaalka ku aaddan xal u helista xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo bil ku dhow ay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidamo kale oo gadoodsan, kuwaasoo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in dowladdu tanaasul badan sameysey si khilaafka jira loosoo afjaro islamarkaana xal waara looga gaaro.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa dhanka kale sheegay in heegan sare la geliyey ciidamada ammaanka Puntland, kadib markii la helay xogo muujinaya weerarro ay suurogal tahay inay ka dhacaan Puntland.

Ugu dambeyntii, wuxuu baaq u diray shacabka isagoo ka codsaday inay laamaha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan qaybna ka qaataan sugidda amniga iyo weliba soo qabashada cid kasta oo amniga halis ku ah.

Magaalada Garowe waxaa shalay kulan looga hadlayey xal u helidda xiisadda Qarxis ku yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Isnaan iyo isimmada gobolka Nugaal, Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com