Maanta iyo maxkamada Hague iyo kiiska Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hague waxaa maanta dowlada Soomaaliya ay u gudbin doontaa maxkamada cadaalada ee magaaladaasi  dacwadii dhanka badda ee kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.

Wafdi uu kamid yahay xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, ayaa ku sugan magaalada ay ku taala maxkamada cadaalada ee Hague, halkaasi oo ay ku wehliyaan quburo dhanka badda oo wax ka diyaariyay dacwada laga gudbinayo dowlada Kenya.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in xiligan ay haboon tahay in dacwadaasi la gudbiyo loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed aysan ka niyad jabin dacwada dhanka badda ah ee Kenya.

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in dacwadaasi maxkamada Hague loo gudbiyo, waxaana Kenya ay heysataa fursad ah muddo sideed bilood ah oo ay kaga jawaabi karto dacwada laga gudbiyay.

Dacwada Kenya laga gudbiyay ayaa waxaa la sheegayaa iney tahay mid ka kooban 150 bog oo looga hadlayo arimaha dhanka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com