Axmed Madoobe, Seeraar, Xidig iyo Sheekh Daahir oo heshiis ku saxiixday Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha is-beddel doonka Jubaland, ee qaarkood sheeganayey madaxweynaha Jubaland, ayaa maanta heshiis ramsi ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi.

Xubnaha Axmed Madoobe ay heshiiska saxiixdeen ayaa kala ah; xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdnaasir Seeraar Maax iyo Daahir Sheekh Axmed Cabdullaahi.

Xubnaha oo wada-hadallo ku lahaa magaalada Nairobi muddo toddobaadyo ah, ayaa qoodbada ay isku raaceen waxaa ka mid ah in golaha is-baddel doonka Jubbaland, ay si buuxda u taageereen doorashadii Jubbaland ka dhacday bishii August 2019 ee Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Maxamed IsIaam.

Waxaa sidoo kale ka mid ah qodobada heshiiska, in muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland ahaado sida ku cad qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland, oo qeexaya in Madaxweynuhu 2 mar oo kaliya uu u tartami karo kursiga, taasi oo macnaheedu yahay in Axmed Madoobe aanu mar kale isa soo sharixi karin, haddii aan wax laga beddeli dastuurka.

Sida ku cad heshiiska, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday inuu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo tayo leh oo ay qayb ka yihiin Golaha lsbadal-doonka Jubbaland, iyadoo la ilaalinayo habka awood qeybsiga beelaha Jubbaland.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in la qabto kulamo iyo shir dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo waxgaradka iyo qaybah kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Dhinacyada heshiiska galay ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada federaalka ee Soomaaliya inay soo afjarto khilaafka mudada soo jiitamayey ee kola dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubaland, ayada oo  Jubbaland ay sheegtay inay diyaar u tahay xallinta khilaaf kasta si waafaqsan Dastuurka Dowladda federaalka iyo kan Jubaland.

Hoos ka aqriso qodobada heshiiska oo dhameystiran