AXMED MADOOBE: “Xaajo sidaan uma aysan dhabaqsanaan laheyn hadii nalala tashan lahaa”

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Khilaaf hoosaadka ka dhex taagan DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii mar hore laga fakirilahaa in geed hoostiisa la isugu yimaado oo Soomaalida wadatashato in halkaan aysan soo gaari laheyn khilaafyada.

Waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in DF Somalia ay dhaqdo niyada shacabka ku hoos nool Maamul Goboleedyada dalka, hadii taasi lawaayana ay xaajo sii dhabaqsami doonto.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay mudan tahay in meel looga soo wada jeesto waxa uu ku sheegay cadowga gudaha, isaga oo soo jeediyay in laga gacan siiyo dhameystirka Maamulada Dalka.

“DF waxaan uga fadhinaa inay dhameystirto daaweynta boogaha harsan si meesha looga saaro khilaaf hoosaadka taagan”

”Waxaan maanta ciyaari karnaa door aan ku badbaadin karno Umada oo aan kusoo celin karno Dowladnimadii Soomaaliya waxaana taasi hirgalinkaro DF Somalia oo niyad u leh dhismaha dalka”

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ka socda Magaalada Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com