FIQI oo ka digay in arrin halis leh oo CADAADO..

Cadaado (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya iney naas nuujin ku heyso musharax gaar ah oo ku sugan Cadaado.

Fiqi, ayaa ku eedeeyay wakiilada dowlada Soomaaliya ee degmada Cadaado iney dhaqaalaha dowlada ku taageerayaan mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaalada Cadaado.

Arin aan loo dul qaadan karin ayuu ku sheegay iney tahay in dhaqaalaha laga qaado dadweynaha Soomaaliya lagu taageero musharax doonaya inuu madax ka noqdo gobolada dhexe ee dalka.

Dhanka kale wuxuu digniin kasoo saaray Axmed Macalin Fiqi, in maamulka gobolada dhexe uu noqdo mid dhibaato u horseedo shacabka Galgaduud iyo Mudug.

Wuxuu tusaalo usoo qaatay dhibaatooyinkii ka dhashay maamul u sameynta gobolada Jubbaland iyo koofur galbeed oo la wada xasuusto dagaaladii dhacay markii maamuladaasi la sameynayay.

Ugu dambeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa ku taliyay iney kulmaan gudi ka imaanaya musharixiinta uu kamid yahay iyo gudiga Odayaasha ayna si toos ah ula hadlaan Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com