Xasan Sheekh: Puntland ayadaba way sheegataa Mudug dadka kalena maxaa u diidaya sidaas?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxuu sheegay gobolka Mudug inuu yahay mid cid walba ay sheegato, kaddib khudbad uu ka jeediyay xalfad ka dhacday madaxtooyada Puntland.

Xasan waxuu tilmaamay dastuurka Puntland inan lugu caddeyn deegaannada gobolka Mudug ee ka tirsan dhulka uu maamullo Puntland,hadalka oo jawaab u ahaa madaxweynaha Puntland oo munaasabadda ka sheegay waqooyiga,bariga iyo galbeedka Mudug inay ka tirsan yihiin dhulka dowladda Soomaaliyeed ee Puntland.

“Dastuurka Puntland kuma qorna deegaannada gobolka Mudug ee Puntland ka tirsan ee gobolka Mudug ayaa ku xusan, qolo walba way isticmaalan gobolka Mudug, haday ahaan lahayd Galmudug iyo maamulka hadda dhismayaba,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Xasan oo u sii jawaabay madaxweynaha dowladda Puntland waxuu sheegay haddii koonfurta ay ku biirayso Puntland inay tahay wax wanagsana, balse waqooyigana uu ku biiri karo koonfurta.

“Madaxweyne Cabdiweli waa runtii haddii ay koonfurta ku biirayso waqooyiga ee sida kalana way ficnaan lahayd, haddii waqooyiga uu ku biirayo koonfurta Mudug,”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha waxuu tilmaamay inaysan cidna rari karin dhul ka tirsan Puntland, isagoona inta raaciyay inay caddahay deegaannada Puntland ay maamusho ee ku yaalla gobolka Mudug.

“Dad iyo dhul ka tirsan Puntland oo meel kale loo rarayo ma jirto, wayna caddahay oo waa wax lawada ogyahay dhulka Puntland ay maamusho ee ka tirsan gobolka Mudug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan wali magacaabin deegaannada gobolka Mudug ee ka mid noqonaya maamulka muranka dhaliyay ee laga dhisayo gobollada dhaxe, waxuuna hadalkiisan jawaab u yahay khudbad uu jeediyay madaxweynaha Puntland oo sheegay gobolka Mudug intiisa badan inuu yahay dhul ka tirsan Puntland lana raacin karin maamulka gobollada dhexe.

Qodobka la xiriira dowladda faderaalka inay caddeyso deegaannada Mudug ee lugu biirinayo gobollada dhexe ayaa sabab u aaha inay kala kacan shalay guddiyo kala matalayay Puntland iyo faderaalka oo wada-xaajood ku lahaa Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com