Cadaado: Duubabka dhaqanka oo loo yeeray iyo toban beel oo isku raacay hal arrin oo xasaasi ah

Cadaado (Caasimada Online) – Duubabka dhaqanka ee hagaya wejiga 1-aad ee shirka maamul u sameyna Gobolada dhexe ee ka soconaya Magaalada Caddaado ayaa lagu wargeliyey in ay ku soo xeroodaan dhisme si gaar ah loogu diyaariyey; si maalinta Sabtida loogu billaabo siminaar 2 toddobaad soconaya oo ay ku baranayaan casharo la xiriira habka xulista ergooyinka.

Suxufi ku sugan Caddaado, oo xaaladda shirka inooga soo waramayey ayaa sheegay, in Guddiga Farsamada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ay duubabka maanta u gudbiyeen xilliga lagu wado in siminaarku furmo, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday suxufigaasi in dhaqaalaha ku baxaya siminaarkaas ay dhici karto in ay bixiso Hayádda CRD.

Madaxweynaha Xassan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Garowe ayaa laga sugayaa in marka uu ka soo laabto shirkaas, inuu sii maro Caddaado; iyada oo sidoo kale Caddaado laga sugayo 10 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada si ay culeys ugu saaraan Ergada in la dedejiyo sidii uu shirku mira-dhal u noqon lahaa.

Wararka ka imaanaya Caddaado waxaa kale oo ay sheegayaan in duubabka dhaqanka 10 ka mid ah 11-ka beelood ee ku shiraya Caddaado, ay isku waafaqeen in howsha ugu horreeya ee duubabka qabanayaan ay noqoto soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka; qorshahaas waxaa ka horyimid hal beel; iyada oo arrintaasi aan laga gaarin xal waafi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com