“3 siyaasi oo daneystayal ah oo lagala tashanayo aayahii umadda Soomaaliyeed” (Maxaa socda?!)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay shirka Garowe uga furmay saddex ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya mid lagu sii kala fogeynayo ummadda Soomaaliyeed.

“Baarlamaankii Soomaaliya wuxuu u muuqdaa mid magac u yaal ah oo aan waxba ka qaban karin shirqoolada lagu wiiqayo Qaranimada iyo masiirka ummadda, waa idin metelnaa laakiin waxba ma qaban karno” Ayuu yiri Xildhibaankaas, oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay ayaan darro ugu filan tahay in masiirkeeda lagala tashado sida C/weli Gaas, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.

“Iyaga oo fulinaya barnaamij loo soo dhiibay ayey Garowe isugu yimaadeen; hadafkoodu wuxuu yahay in maamul kasta uu isku taago Dowladda oo uu yiraa: Dowlad ayaan ahay, waxey fulinayaan ajendihii ay Kenya & Itoobiya u soo dhiibeen. Soomaali inteeda kale-na waa fiirsaneysa” Ayuu yiri Xildhibaankaas, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Kenya & Itoobiya oo adeegsaneysa shaqsiyaad muuqaalka Soomaali ka ah in ay kala shaqeynayaan kala qeybinta & burburinta dalka.

“Qorshaha cadowgu doonayo waxeey tahay in Soomaali qabiil qabiil la isaga horkeeno iyada oo la adeegsanayo qofba qofka uu ka liito” Ayuu yiri Xildhibaankaas, wuxuuna intaa ku daray in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay ku baraarugaan shirqoolada lagu baabi´inayo jiritaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com