Axmed Qoor Qoor oo xabsi dhigay odayaal soo jeediyey arrin uusan jecleysan – Xog

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusomareeb ku xiray qaar ka mid ah odayaal shir ku yeeshay magaalada, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan. 

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusomareeb, sida ay noo sheegeen saraakiil ciidan.

Sababta odayaasha loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.

Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu dagaal ku qaado magaalada Guriceel oo ay haystaan Ahlu-Sunna, wuxuuna wada-hadal lala galo kooxdaas shuruud uga dhigay inay marka hore soo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada.

Dagaalka uu Qoor Qoor doonayo inuu ku qaado Ahlu-Sunna ayaa horey u sababay inuu is-casilo wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo ku gacan seeray dagaal loo adeegsado kooxda, kuna baaqay wada-hadal.

Dhinaca kale, wakiilo ka tirsan beesha caalamka, oo wada-hadallo la yeesha Qoor Qoor Isniintii, ayaa ugu baaqay inuu ka fogaado dagaal cusub oo ka qarxa Galmudug, kaasi oo keeni kara in doorashada golaha shacabka ay dib usoo dhacdo.

Hase yeeshee, sida muuqata Qoor Qoor ayaa waxaa ka go’an dagaal, waxaana toddobaadyadii tegay Muqdisho laga qaaday ciidan ka caawiya dagaalkaas.