Uhuru Kenyatta oo war cusub kasoo saaray go’aankii ay gaartay Maxkamadda ICJ

Niarobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale ka hadlay go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo inta badan biyihii la’isku hayey u xukuntay Soomaaliya oo ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay Kenya.

Uhuru oo ka hadlayey munaasabad loogu dabaal-degayey maalinta halyeeyada Kenya oo shalay ku beegneyd ayaa gabi ahaan ku gacan-seeray xukunka maxkamadda ICJ.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda dalka Kenya.

Sidoo kale wuxuu soo saaray diginiin culus oo la xiriirta go’aankaasi oo uu shaaciyey inuu dhalin karo cawaaqib xumo ka dhalata, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha dowladda Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukunka ay gaartay ICJ uu waxyeeleyn karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris ah.

“Isbaddel wayn ayuu ku keeni doonaa horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeed, ayna halis gelin karto ammaanka gobolka Geeska Afrika,” ayuu sii raaciyey Uhuru Kenyatta.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Kenya looga guuleystay dacwaddii ICJ ee la xariirtay muranka ay gelisay badda Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa horey uga hortimid xukunka ay ridday maxkamadda ICJ, halka Soomaaliya ay si weyn ugu dabaal-degtay guusha ay ka gaartay kiiskaasi.