Xog: Farmaajo iyo Rooble oo xalay wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya xalay ka dhacay kulan u dhaxeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara tan iyo markii ay bishii tegtay fashilmeen wada-hadalladii laba dhinac kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen.

Sidan aan xogta ku helnay, waxaa kulanka kasoo shaqeeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo dadaallo xoogan Muqdisho ka waday labadii maalin ee tegay.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeeen Caasimada Online, kulanka ayaa ahaa mid hordhac oo sallaan, sheekeysi iyo isu niyad fur kaliya ku koobnaa, mana jirin qodobo ka mid ah khilaafka labada mas’uul oo si weyn la isugu soo qaaday.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku daresa in Farmaajo iyo Rooble ay ku ballameen in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha uu khilaafka ka taagan yahay, la isuguna dayo in xal laga gaaro.

Ilo-wareedyo ku dhow kulanka ayaa laga soo xigtay in kulanka caawa intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is-faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in habeen dambe inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Heshiis kasta oo ay gaaraan labada mas’uul ayaa ku xirnaan doono in midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa, taasi oo horey loogu guul-darreystay.

Wixii xogtan kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.