Dhimashada 11,800 oo SOOMAALI ah oo aan horey loo ogeyn oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhimashada COVID-19 ee Soomaaliya ayaa ugu yaraan 32 jeer ka sarreysa tirooyinka ay dowladdu sheegtay bilihii hore ee musiibada, sida lagu sheegay daraasad cusub oo lasoo saaray.

Daraasadda oo uu daabacay Joornaalka Caalamiga ah ee Cudurada Faafa, ayaa ku qiyaastay illaa 11,800 oo qof inay u dhinteen saameynta COVID-19 intii u dhexeysay Maarso iyo Sebtember sanadkii 2020 caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Muddadaas lagu sheegay daraasadda, dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen illaa 99 qof oo Soomaali ah halka guud ahaan dalka laga helay illaa 3,864 kiis oo cudurkaas ah.

Soomaaliya ayaa soo warisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID-19 16-ka bishii Maarso sanadkii 2020. Ilaa hadda tirada guud ee dhimashada oo ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa ah 1,180, tirada dadka cudurka laga helayna waxay ku sheegtay 21,269 .

“Lama dhihi karo Soomaaliya waa dal nasiib badan oo dhibaato badan aysan kasoo gaarin cudurka COVID19 sida dad badan qabaan,” ayuu yiri Cabdixamiid Warsame, oo ah cilmi-baare ka tirsan Iskuulka London ee Nadaafadda iyo Daawada xilliyada kuleelka oo ka mid ahaa cilmi-baarayaasha.

Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen sawirro dayax-gacmeedyo oo laga qaaday xabaalo laga soo bilaabo 2016 illaa Sebtember 2020, iyo sidoo kale wareysiyo iyo xog kale oo laga soo aruuriyey dadka si loo helo natiijo wanaagsan.

“Markaad fiiriso macluumaadka, waxaa jiray koror aad u weyn kadib markii COVID-19 uu yimid Soomaaliya,” ayuu yiri Warsame oo la hadlay VOA Somali.

“Markaan eegnay waxyaabaha kale ee keeni kara dhimashada, tusaale ahaan dilaaca cuduro kale oo faafa ama dhacdooyin kale, ma aanan helin wax kale oo keeni kara kor u kaca ku yimid dhanka dhimashada,” ayuu sii raaciyey.

Inta badan dadka ku nool Soomaaliya si buuxda uma taageersana natiijooyinka kasoo baxay cilmi–baarista la sameeyey ee muujineysa in ay badan tahay dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19.

Wakiilka dalka Soomaaliya ee Ururka Caafimaadka Adduunka Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa sheegay in daraasaddu  aysan lahayn xogo aad loogu kalsoonaan karo.

“Waxaan u malaynayaa in tiradani ay fiican tahay, waa hab cilmiyeysan oo wax loo qabto, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan si dhab ah u matalin waxa dhintay ama tirada dhimashada ee dhab ahaan dhacday intii lagu jiray aafadan,” ayuu Dr. Mamunur u sheegay VOA Somali.

Dr. Mamunur ayaa sheegay in laga yaabo in tirada runta ay u dhaxeyso tirada dhimashada ugu hooseysa oo ay dowladda Soomaaliya soo saartay iyo tirooyinka sare ee ka soo baxay cilmi baarista.

Warsame wuxuu sheegay inuusan dood ka qabin in dhammaan aaska cusub ee la sameeyey laga bilaabo  Maarso illaa Sebtember 2020 ay yihiin kuwa loo tiirin karo dhimasho cudurka COVID-19, balse wuxuu xusay in saameynta cudurkaan ay siyaabo kale u badisay dhimashada.

“Intii lagu gudajiray COVID-19 adeegyadii caafimaad ayaa hoos u dhacay, tallaalku wuu yaraaday, adeegyadii carruurta iyo hooyooyinka ayaa hoos u dhacay, marka dhammaan waxyaabahaan waxay keeni karaan dhimasho, sidaa darteed, COVID-19 wuxuu saameyn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan karaa dhimashada,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Ugu Dambeyntii Malik ayaa sheegay in tirada ay sheegtay Dowladda Soomaaliya ay kaliya tahay midda loo adeegsan karo tira-koobka dadka u dhintay COVID-19, wuxuuna xusay in Soomaaliya uusan ka jirin nidaamka bulshada dhexdeeda ah ee diiwaangelinta dhimashada.

“Dhibaatadu waxay tahay inaysan jirin nidaam diiwaangelin sugan oo ku saabsan dhimashada Soomaaliya, taasina waa xaddidaadda ugu weyn ee aan la tacaaleyno,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin daraasadda cusub.