R/W Rooble oo labo dhinac kala kulmaya culeys xoogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muddooyinkii dambe wajahayey cadaadis xoogan oo uga imaanayey Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta Mucaaridka, kadib dib u dhacyada jadwalka doorashooyinka dalka.

Tiro saddex jeer iyo in ka badan ayuu dib u dhac ku yimid jadwalkii u dambeeyay ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo dib usii riixay qabsoomida doorashada la isku hayo ee madaxtinimada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu cadaadiska kusii kordhayey ayaa hadda u muuqda in uu qaaday wadadii uu ku bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka, taasi oo hoos u dhigeysa cadaadiska uga imanaya dhinacyadaas.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu rabo in doorashada Golaha Shacabka ay hore u qabsoomto, una dhacdo si daah-furan, si lamid ah middii Aqalka Sare oo inta badan la doortay.

Sidoo kale Rooble ayaa lagu wadaa in 24 saac ee soo socda uu shir khadka telefoonka ah uu la qaato madaxda maamul goboleedyada, isagoo ka doonaya in muddo sax ah loo sameeyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xilligan shaqadiisa u weyn tahay in dalka ka gudbiyo xilliga adag iyo inuu qabto doorasho cadaalad ah, ayaa waxaa muuqata in dulqaadkiisa uu ka gudbinayo caqabado adag oo ku hor-gudbanaa doorashada.