28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“AXMED Siilaanyo hurdo ayuu ku jiraa Xasan Sh. wuxuu wadaa qorshe culus”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xasan Dahir Najax oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Madaxweynaha Jabuuti kala hadlay in Maamulka Somaliland uu kala hadlo qaadashada Midnimada Somalia.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan uu dadaal xoogan ku bixinaayo in Maamulka Somaliland lagu biiriyo Somalia inteeda kale ka hor inta aysan dhicin Dowladiisa.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Madaxweyne Siilaanyo hurdo ayuu ku jiraa, waayo Madaxweynaha Somalia waxa uu ku howlan yahay sidii Somaliland ay uga mid noqon laheyd Somalia inteeda kale. taasi waa mid lagala xisaabtami doono Siilaanyo”.

Xasan Dahir waxa uu ka digay in Axmed Siilaanyo uu aqbalo in Arrimaha ay kala hadli doonaan Madaxweynayaasha DF iyo Jabuuti oo dhawaan kulan ku qaadan doono Magaalada Jabuuti.

Hadalka Xasan Dahir, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxweyne Xassan iyo Axmed Siilaanyo maalmaha soo socda ay ku kulmi doonaan Magaalada Jabuuti oo ay kuwada qaadan doonaan kulan qeyb ka ah kulanka ka dhici doono Magaalada Istanbuul.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News