Azerbaijan oo guulo ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

Baku (Caasimada Online) – Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo Sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz, ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah, xilli ay dagaal kula jiraan Armenia.

Boqolaal qof ayaa isugu baxay caasimadda Azerbaijan ee Baki, ayaga oo dabaal degaya islamarkaana haatinaya calamayo iyo boorar ay ku qoran yihiin “Karabakh anaa leh, waana lahaan doonnaa abid.”

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen toddoba magaalo oo kale oo yar yar oo ka tirsan gobolka Karabakh ee la isku haysto.

Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa dhankeeda waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin.

Ciidamada gooni u goosadka ee gobolka Karabakh ayaa xaqiijiyey in dagaalka looga dilay 150 askari illaa iyo hadda, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashadooda ay gaareyso 270/

Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan.